Mareykanka oo War cusub kasoo saaray khilaafka Doorashada Somalia

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalida in ay dhinac iska dhigaan ujeedooyinkooda siyaasadeed isla marka ay qabtaan doorasho hufan oo xalaal ah, loona dhan yahay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay jahwareerka siyaasadeed ee xiligaan ka jira Soomaaliya, taas oo ay muhiim tahay in xal buux laga gaaro.

Xoghaye Anthony Blinken ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwo maamul Goboleedyada ka dalbaday inay dhinac iska dhigan ahdaaftooda siyaasadeed ee kooban, ayna si deg deg ah heshiis u gaaran, lana qabto doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale Anthony Blinken ayaa tilmaamay in khilaafka taagan uu dib u dhigi karo horumaradii laga sameeyay deyn Cafinta Soomaaliya, la dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada iyo Arrimo kale oo muhiim ah, kuwaasi oo ah horumaro la gaaray.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaaraan caqabadaha hor taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor