Mareykanka oo walaac xooggan ka muujiyay Rabshado ka dhalan kara doorashada Kenya

Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan magaalada ku taallada harada ku taalla ee Kisumu xilli lagu wado in Kenya ka dhacdo doorashada toddobaadk adambe.

Diginin dhanka amniga ah oo ay soo saartay safaaradda ayaa lagu sheegay in dibadbaxyo rabshado wata ee ka dhasha doorashada ay ka dhici karaan halkaas.

Ragga ugu cad cad doorashada madaxweynaha ee Kenya waxaa kamida, Ra’iisul Waasirihii hore Raila Odinga iyo Madaxweyne kuy xigeenka William Ruto.

Kisumu ayaa loo arkaa in si weyn ay ugu xooggan yihiin taageerayaasha Mr Odinga.

Booliska Kenya ayaa shaley xiray 8 qof oo lala xiriirinayo in warqado ay ku daadiyeen daadiyeen magaalada Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley , waxaana warqadaha ay muujinayeen diginin loogu diray qowmiyadaha qaar si ay isaga guuraan halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor