Mareykanka oo walaac ka muujiyay Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Taliyaha Milatariga Mareykanka ee taliska AFRICOM General Steph Townsend ayaa khamiistii u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in welwelka ugu badan ee haatan ka jira Soomaaliya aanu aheyn Al-Shabaab, laakiin uu yahay deganaan la’aanta siyaasadeed ee aan xallin karin caqabadaha.

Caqabadahaas ayuu sheegay kuwa ka dhex aloosan dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee aan laheyn tanaasulka, kuwaas oo salka ku haya kordhinta muddo xileedka madaxweynaha oo uu ku sheegay inay ka baxsantahay dastuurka Soomaaliya.

Jeneraalkan ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka maamulkii Trump ee ku aadan ka soo saaristii ciimadama Mareykanka ee joogay Soomaaliya uu abuuray caqabado hor leh oo ku aadan la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

horay Xafiiska arrimaha afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika, waxaana uu sheegay in ay soodhaweynayaan tallaabada ay qadeen Goluhu, waxaana qoraalka kasoo baxay Xafiiska arrimaha afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa waxaa loogu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaalida in ay arrimahooda si nabdooon u xaliyaan ayna ka fogaadaan wax walba oo qalalaase keeni kara.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor