Mareykanka oo u yeeray qaar kamid safiiradii u fadhiyay Laatin Amerika

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu dib ugu yeeray safiiraddii u fadhiyay saddex dal oo ka tirsan Laatin Amerika kaddib markii waddamadan ay xiriirka u jareen Taiwan si ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Shiinaha.

Safiirada Mareykanka u fadhiya dalalka El Salvador ,Jamhuuriyadda Dominic iyo Panama ayaa dib ugu laabtay Washington sii wadatshiyo ku aadan arrintaasi loola sameeyo.

Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in sababta go’aankan loo qaaday ay tahay in isbaddallo ay doonayaan inay ku sameeyaan xiriirka diblumaasiyadeed.

Dalka El Salvador ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inuu xiriir la yeeshay xukuumadda Shiinaha. Shiinaha ayaa Taiwan u aqoonsan dhul uu isagu leeyahay.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay saamaynta xiriirka diblumaasiyadeed ee sare u kacaysa uu Shiinaha ku la yeelanaya dalalka Laatin Amerika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media