Mareykanka oo dalbaday in Doorashada Somalia lagu dhamneeyo sanadkaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan wadahadal la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, Mary.

Kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq iyo kaaliyaha Xoghayaha Mareykanka ayaa waxaa looga wada hadlay horumarka dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga gaaray doorashooyinka socda iyo arrimaha Gobolka.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, Mary ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday inay doorashada ku dhameystiraan sanadkaan, isla markaana la xaliyo khilaafka u dhexeeyay Madaxda.

Iyadoo Maanta la xusayo qaraxii afar sanno kahor Maanta oo kale ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii looga hortagi lahaa kooxaha kasoo horjeeda amniga dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa taageero siisa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sigaar ah Ciidanka dowladda uga taageeraan weerarada laga fulino deegaano ka tirsan Gobolada oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor