Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Marwo Molly Phee oo uu weheliyo Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Danjire David Satterfield.
Wada hadalka Masuuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika,
Ugu dambeyntii Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.