Mareykanka oo si cad u Inkiray Duqayn ay Ciidamadiisu ku Xasuuqeen dad shacab ah

Saraakiisha militariga Maraykanka ayaa sheegay in aan cid ka tirsan ciidamadooda wax eed ah laga saarayn weerarkii diyaaad aan duuliye lahayn ay 10 qof oo rayid ah ku dishay dalka Afghanistan maalimihii ugu dambeeyey ee Maraykanku dalkaas ka baxayey. Gantaalkaas ay ridday diyaaraddaasi ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu dambeeyey ee ciidamadiisu ku ridaan Afghanistan muddadii labaatanka sano ahayd ee ay dagaalka halkaas ka wadeen.

Weerarkan ayaa dhacay labo todobaad kadib markii Kabul ay gacanta u gashay Taliban, saddex maalmood ka dibna ku dhowaad 170 qof – oo ay ku jiraan 13 askari Mareykan ah – ayaa lagu dilay weerar uu fuliyay qof is qarxiyay.

Iyada oo uu waqtigu gabaabsi ahaa oo la doonayay in la dhammaystiro daabulildda iyo ka bixitaankii ciidamada ajaanibta ah ayay saraakiiishu heleen xog sirdoon oo tibaaxaysay in baabuur dhex marayay caasimadda Afgaanistaan uu xidhiidh la leeyahay kooxda IS oo sheegatay weerarka lagu hoobtay ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Kaabuul oo xilligaasi aad u mashquul-badnaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor