Mareykanka oo sheegay inay xubno ka tirsan Al-shabaab ku dareen Liiska Argagixisada

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony Blinken ayaa warkaasi ku shaaciyey qoraal uu Jimcihii shalay soo saaray, taasi oo ku xusay inay 2 xubnood oo ka tirsan Xarakada Alshabaab iyo 3 ka tirsan Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Mosombique ku dareen Liiskaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wakaalladda Wararka REUTERS oo aan Warkan ka soo xiganay waxaa kaloo lagu xusay in Xubnahaasi laga xayirayo Hantidooda u taalla Maraykanka.

Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony Blinken waxaa uu Xubnaha Alshabaab ee uu ku sheegay in lagu daray Liiskaasi ay kala yihiin: Cali Maxamed Raage iyo C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Dhinaca kale, Qoraalkaasi waxaa lagu soo bandhigay magacyada Hoggaamiyayaal ka tirsan Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Mosombiik, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay: Bin Maadi Cumar oo ah Sarkaal sare oo Milliteri oo ka tirsan Faraca Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Mosombique.

Sidaanij Xayta iyo Saalim Walad Al-Xasan oo iyaagna ka tirsan Saraakiisha sarsare ee Kooxda Jamaacatu Nusra ee ah Faraca Al-qaacidada ka dagaalanta dalka Mali.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor