Mareykanka oo shaaciyay in uu duqeyn ku dilay Khubaro Qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa shaaca ka qaaday inay laba duqeyn ka fuliyeen magaalada Jilib maanta, kuwaas oo lala beegsaday khubaro Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in duqeymahaas laga dilay argagixiso lagu yaqaanay inay kaalin muhiim ah ka cayaaraan soo saarka walxaha qarxa ee Al-Shabaab, oo ay ku jiraan kuwa lagu xiro baabuurta.

Waxaa sidoo kale qoraalkaas lagu sheegay in qiimeynta horudhaca ah aysan muujin wax khasaare ah oo gaaray dadka shacabka.

“Weerarkan wuxuu cadowga u caddeynayaa inaan garab taagannahay saaxibadeena islamarkaana aan si xooggan u difaaci doono nafteena iyo saaxiibadeena inta lagu guda jiray dib u meeleynta [ciidamada iyo howlgallada mustaqbalka,” waxaa sidaas yiri Gen. Dagvin Anderson oo ah taliyaha qeybta Quartz ee AFRICOM.

Taliyaha AFRICOM Stephen Townsend ayaa sheegay inay sii wadi doonaan inay cadaadi saaraan Al-Shabaab, oo uu sheegay “in arbushaad ku hayaan amniga Soomaaliya, una baahan yihiin in la xakameeyo oo la wiiqo.”

Weerarka ayaa imanaya ayada oo dhowaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amray in inta badan 700 askari ee Mareykanka ka jooga Soomaaliya laga soo saaro, kahor inta uusan xilka ka degin 20-ka Janaayo 2021.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media