Mareykanka oo qiray in Taalibaan ay gacanta ku dhigtay kala bar degmooyinka Afghanistan

Qiyaasaha muujinaya in Taalibaan ay si deg deg ah ula wareegeyso dhulka Afghanistan oo dhan maahan dhalanteed, sida uu sheegayo sarkaalka ugu sareeya milatariga Mareykanka oo qiraya in bilaha soo socda ay “tijaabo u noqon doonto rabitaanka iyo hoggaaminta” dowladda Afghanistan.

General Mark Milley oo ah taliyah guud ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa sheegay Arbacadii in ilaa 212 ka mid ah xarumaha degmooyinka Afghanistan oo ah qiyaastii kala bar ay hada ku jiraan gacanta Taaliban iyo in ciidamada Taaliban ay ku sii siqayaan duleedka 17 ka mid ah 34 magaalo madaxyada gobolada dalka.

“Awoodda istiraatiijiyadeed waxay u muuqtaa inay u janjeerto dhinaca Taalibaan,” ayuu yiri General oo suxufiyiinta kula hadlayay Waaxda Gaashandhigga Mareykanka ee Pentagon.

“Waxay isku dayayaan inay go’doomiyaan magaalooyinka ugu waaweyn ee ugu dadka badan. Waxay isku dayayaan inay sidaas oo kale ku sameeyaan Kabul, qiyaas ahaanna dhul aad u tiro badan ayaa la qabsaday” ayuu sii raaciyay General Milley.

Qirashadan ayaa imaaneysa laba bilood iyo bar kaddib markii Maraykanka iyo xulafadiisu bilaabeen inay kala baxaan ciidamadooda ugu dambeeyay ee dagaalka Afghanistan, inkasta oo ay damaanad ka heleen saraakiisha ugu sareysa Maraykanka, oo uu ku jiro Madaxweyne Joe Biden, in qabsashada Taaliban ay tahay “mid aan aad u badnayn.”

Tiro ka tirsan hay’adaha sirdoonka ah ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay digniintan, iyadoo warbixintii Qaramada Midoobay ee bishii hore ku sheegay in Taaliban isku diyaarineyso in ay xoog kula wareegto wixii aysan wadahadal ku heli karin.

Warbixintaas ayaa sidoo kale ka digtay in ku-xigeennada ugu sarreeya Taalibaan “ay doorbidayaan xal militari.”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor