Mareykanka oo qabtay doon hub sidday shaaciyana qorshaha laga lahaa

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Arbacadii sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwo xulufo la ah ay bishii June qabteen doon ay Iran leedahay oo hub u sidday kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

“Golaha Ammaanka waa inuu dheereeyaa xayiraadda hubka ee saaran Iran si looga hortago dagaallo kale oo ka dhaca gobolka,” ayuu Pompeo ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay wasaaradda arrimaha dibedda.

“Ma jiro qof maskax leh oo aamini karo in Iran ay hub kasta oo ay hesho ay u isticmaali doonto hab nabdoon.”

Pompeo ayaa hoggaaminaya dadaal uu Mareykanka uga dhaadhicinayo Golaha Ammaanka QM inuu waqti dheeri ah ku daro cunaqabateynta hubka ee saaran ee Iran oo dhaceysa bartamaha bisha October, taasi oo qeyb ka ahayd heshiikii Nukliyeerka ee Mareykanka uu dalkaas la galay 2015 balse uu ka baxay 2018.

Pompeo ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulufada lah, oo uusan magacaabin, ay doontan ka qeybteen xeebaha Yemen 28-kii June, xilli ay hubka u sidday kooxda Xuutiyiinta Yemen.

“Iran uma hoggaansameyso xayiraadaha hubka QM ee waqtigooda uu ku dhacayo wax ka yar afar bil gudahood,” yuu yiri.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media