Mareykanka oo Madaxweyne Deni kala hadlaya xalinta xiisada Magaalada Boosaaso

Warar lagu kalsoonaan oo la helayo ayaa sheegaya in todobaadkaan gudihiisa ay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland tegi doonaan Saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM.

Saraakiisha AFRICOM ee tegaya Garoowe ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona kala hadli doona xalinta xiisada u dhexeeysa Maamulka iyo Ciidanka PSF.

Ilo War-gal ah ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha Ciidanka Mareykanka ay u gudbi doonaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, isla markaana ay Saraakiisha PSF kala hadlayaa, sidii xal buuxa looga gaari khilaafka ka dhashay xilka qaadista Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa weli ka taagan muranka ka dhashay xilka qaadista Agaasime Maxamuud Cismaan ee uu ku sameeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana Saraakiisha PSF ay sharci darro ku tilmaameen xilka qaadista Diyaano.

Dadka ku sugan Boosaaso ayaa qaarkood soo weriyey inay dareemayaan cabsi la xiriirta xiisad u dhexeeysa Maamulka iyo Saraakiisha Ciidanka PSF, waxaana labada dhinac ay horey u sheegeen in xiligaan aysan dooneynin inuu dagaal ka dhaco Magaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor