Mareykanka oo Liiska waxa loogu yeero Argagixisada ku daray Saraakiil Shabaab ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka ayaa liiska waxa loogu yeero Argagixisada ku dartay laba sarkaal oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Labadan Sarkaal ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Cabdullaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalim Ayman, kuwaasoo ka tirsan Saraakiisha sare ee Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in Cabdullaahi Cismaan oo loo yaqaanno Injineer Ismaaciil uu yahay khabiir Al Shabaab u qaabilsan samaynta waxayaabaha qarxa isaga oo maamula howlaha samaynta iyo fulinta Qaraxyada ay guud ahaan fuliso, waa sida hadalka loo dhigay

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa ah Madaxa warbaahinta loo yaqaao Al Kataayib, isla markaana faafisa muuqaalada weerarada ay geystaa Shabaab, isaga oo lataliye u ah ninka ku magacaaban amiirka Shabaabka.

Ninka labaad ee liiska waxa loogu aragagaxisda lagu daray ayaa ah Maclim Ayman Sarkaalkan ayaa ah madaxa waxa lagu magacaabo Jaysh Ayman oo u qaabilsan shabaabka in ay fuliyaan werrarada Somalia iyo Kenya, kuwasi oo geystay khasaaro.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Macallim Ayman uu ahaa Sarkaalkii masuulka ka ahaa weeerarkii bishi Janauary ee 2020-ka lala beegsaday xerada Camp Simba ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay Askari Mareykan ah iyo laba qandraasle oo iyaguna u dhashay Maraykanka.

 

Xigasho VOA-Somalia

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media