Mareykanka oo ka hadlay Duqeyn Cusub uu ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiya duqeyn diyaaradeed oo shalay uu ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Hantiwadaag ee ka tirsan Shabellaha Hoose, isla markaana waxaa lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta wax Khasaaro ah aysan kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa goobta uu weerarka dhacay.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa sanadkaan gudihiisa waxaa ay deegaano ka tirsan Gobolada ay ka fuliyeen duqeymo dhowr oo qaarkood lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, halka kuwo kalena lala beegday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media