Mareykanka oo faah-faahiyay Duqeyn Cusub uu ka fuliyay Kuunyo Barrow

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay gaysatay duqayn cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab maalintii shalay.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegya inay duqayn ka dhacday meel u dhow Kuunyo Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, isla markaana lagu dilay xubin ka tirsan urruka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan aysan cid rayid ah waxba ku noqonin.

Sidoo kale Maraykanka ayaa xog dheeraad ah ka bixiyey weerarkii shalay ee garoonka Ballidoogle.

AFRICOM waxay sheegtay in duqaynta shalay ee ka dhanka ahayd Al-Shabaab ay ahayd mid ee aysan ahayn laba duqaymood sidii hore loo sheegay.

Maraykanku waxa uu sheegay in mid kamid ah askartooda laga daweeyey shoog ama miyir-doorsan. Maraykanku waxa uu sheegay in weerarkaas aysan ku dhimanin askarta Soomaalida iyo kuwa Marayakanka midkoodna.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media