Mareykanka oo doonayaa inuu weeraro gaadmo ah ku qaado Iran

Qaar ka mid ah wargeysyada Carabta iyo bogogga Internet-ka ayaa waxay wax ka qoreen booqashada uu Sacuudiga iyo Qadar toddobaadkan uu ku tagayo Jared Kushner, oo ah la taliyaha Aqalka cad ahna wiilka uu Soddoga u yahay madaxwayne Donald Trump.

Qaar ka mid ah dadka wax qora ee Carbta ayaa waxay ku sheegeen u jeedada booqashadiisa inay tahay Mareykanka oo doonaya inuu toddobaadyada soo socda uu weerar ka fuliyo Iiraan “iyada oo la xaddidayo baaxadda weerarka amaba la balaarinayo.”

Qaar kale ayaa qaba in booqashada Kushner ay tahay mid uu ku doonayo inuu ku xaliyo khilaafka Khaliijka ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga, Imaaraaka iyo Baxrey oo dhinac ah iyo dowladda Qadar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media