Mareykanka oo Dalab hordhigay Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada

Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay farriin ku socota Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed Hirshabeelle iyo Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa Madaxda maamulada loogu booriyay inay si dhaqsi ah u dhameystiraan doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa Madaxda maamul Goboleedyada ka dalbaday in doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la dardar-geliyo, ayna noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo ku dhacda si nabad ah kahor dhammaadka sanadkaan 2021.

Sidoo kale Beesha Caalamka oo War-saxaafadeed wadajir ah soo saartay ayaa waxaa ku sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin dib u dhaca kusii socda geedi socodka hannaanka doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda heer qaran iyo kuwa dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada ku boorisay inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo.

Ugu dambeyn Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ugu baaqay inuu soo saaro Musharaxiinta labada kursi ee harsan ee Aqalka Sare, si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor