Mareykanka oo sheegay in Khatar weyn laga filan karo dalal ay ku jirto Somalia

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Avril Hanes ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirka sanadlaha ee Amniha iyo Sirdoonka ee 2021 (The 2021 Intelligence & National Security Summit).

Shirkaasi oo xalay lagu qabtay Magaalada Washington DC ayaa waxaa isku soo duway Ururka Isgaarsiinta iyo Elektroonikada ee Ciidanka hubeysan (The Armed Forces Communications & Electronics Association (AFCEA) iyo Isbahaysiga Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (The Intelligence and National Security Alliance (INSA).

Agaasimaha Sirdionka Qaranka Mareykanka, Avril Hanes oo Shirka kaga qeyb gashay Aaladda Maqalka iyo Muuqaalka ee ( Via Videoconferencing) waxay tiri: “Cabsida ugu sareysa ee Argagixisada ee Xilliga ma aha dalka Afganistan, balse waxaan aad u arkaa inay Khatarta ka soo fool leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria, Iraq iyo Kooxda Daacish, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sii raacisay Cabsida Koowaad ee Argagixisada ma aha Afganistan ee waxa ay Hay’addaha Ammaanka iyo Sirdoonka si gaar ah indhaha ugu hayaan khataraha Argagixisada ee Mareykanka uga imaan kara dhowrka dal ay farta ku fiiqday ee kala ah Somalia,  Yemen,  Syria,  Iraq iyo Kooxda Daacish ee ISIS.

Dowladda Maraykanka ayaa waxaa horey u sheegtay in Kooxda Daacish-ta Afganistan ee ISIS-K tahay Khatarta weyn ee ay ugaarsan doonaan, kadib, markii ay weerar Is-qarxin ah bishii hore August 26-dii la geysteen Garoonka Diyaaradaha Hamid Karazai International Airport ee ku yaalla Caasimada dalka Afganistan ee Kabul,  iyadoo weerarkaasi lagu dilay 170 qof oo ay 13 la mid Askar Maraykan ahaayeen.

W/Q: Ustaad Nuuradiin

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor