Malleyshiyaad hubeysan oo qof shacab ah ku dilay Goboblka Galgaduud

Wararka aan ka helayno Deegaanka Oodaale oo dhanka Waqooyi ka xiga Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya inhalkaasi goordhaweyd lagu dilay qof shacab ah.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Malleyshiyaad hubeysan ay Nin shacab ah ku dileen degaankaasi, waxaana Marxuumka la dilay uu ka mid ahaa sida lasheegay dadka xooladhaqatada ah ee degaankaasi.

Dad goobjoogayal ah ayaa ku warramaya in Malleyshiyaadkii dilka gaystay ay goobta isaga carareen, iyagoo aaday dhanka Degmada Balanballe ee isla Gobolkaasi Galgaduud.

Dilka maanta ka dhacay Deegaanka Oodaale oo dhanka Waqooyi ka xiga Guri-ceel ayaa waxaa uu yhay mid salka ku haya aanooyin qabiil, sida warar hoose ay sheegayaan.

Gobolka Galgaduud ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacay dilal badan oo salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana maamulka Galmudug tiro dhowr jeer ah ay ku celceliyeen in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinkaasi la xariira aanooyinka qabiil.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor