Wadada isku xirta Mudug iyo Galgaduud oo xiran iyo xiisad ka taagan

Wadadan oo isku xirta deegaanada dhaca Koofurta Gobalka Mudug iyo Bariga Gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa xiran maalintii labaad, kadib markii halkaas ay kasoo cusboonaatay xiisad u dhexeeysa maleeshiyaad hubeysan.

Xiisadan ayaa salka ku heysa Barkado baco ka samaysan oo si macmal ah ay halkaas uga samaysteen Dad Reer miyi ah oo kasoo kala jeeda Gaalkacyo iyo Cadaado, waxaana fashilmay todobaadkan isku dayo lagu doonayay in xiisada lagu soo afjaro.

Wadadaan oo ah mid muhiim u ah isku socodka dadka iyo duunyada Gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku taalla Duleedka degaanada Baxdo, gaabo wanakiir iyo deegaanada Laasabuur, waxaana Maleeshiyaadka xirtay ay ku doodeen in sababta ay u xirteen ay tahay kadib markii xal laga waayay dad kasoo jeeda Deegaanada Cadaado oo ay sheegeen in ay kusoo xadgudbeen dhul ay iyagu leeyihiin waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba Arrintaan ayaa sababtay in deegaanadaas ay markale kasoo cusboonaato xiisadii horay uga taagnayd, ilaa iyo hada majirto iskuday arrintaas wax ka qabatay, isla markaana waxaa kahad ku jira isku socodka dadka iyo gaadiidka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media