Mahdi Guuleed “Waxaan filaynaa khayr annagu dooddeenna waan gudbinay”

Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee Netherlands ayaa lagu wadaa inay maanta xukun ka soo saarto dacwadda xuduud badeedka ee u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Kenya kaas oo socday sanooyin badan.

Xukunka ayaa la filayaa inuu noqdo mid taariikhi ah, waxaana dhici karta inuu cawaaqib ku yeesho xiriirka labada dal iyo soohdimaha badda ee dalalka saaran badweynta Hindiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo manta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka leeyihiin kiiska, waxaana uu intas ku daray in Natiijada la filyo ay noqon doonto mid Soomaaliya ay ku guuleysan doonto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor