Mahdi Guuleed oo Raalli galin ka bixiyay hadal uu horay Farmaajo ugu taageeray

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa raalli galin ka bixiyay hadla uu horay ugu taageeray Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in gabi ahaanba hadalkaas uu ka cudur daaranayo uuna ka Raalli galinayo  siyaasiyiinta ah iyo dhammaan xubnaha musharxiinta u taagan qabashada  xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Mahdi Guuleed ayaa horay u sheegay in doorashada Wareegga Kowaad lagu kala bixi doono, taasi uu sheegay in Farmaajo uu si fudud kaga guuleysan doono xubnaha la tar-tamaya, “Waxaan rabaa in aan shirweynahaan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u iri oo ahaa: wareegga koobaad ayaa lagu kala baxayaa, Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed.

Waxaa Magaalada Garoowe ka socda shir la xariira sidii looga gudbi lahaa KMG-nida daba dheeraatay, waxaana ka qayb galaya Musharxiinta mucaradka ah, Qaar ma mid ah Madaxweynayaasha Maamul Gonoleedyada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media