Mahdi Guuleed “Baarlamanow Shuruucda sii wada dalkana gaarsiiya doorasho qof iyo cod ah”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuuleed Qadar oo ka hadlay howlaha horyaalla baarlamaanak Soomaaliya ayaa sheegay in ay sugeyso shaqo badan oo mudnaanteeda leh.

Waxa uu sheegay in dalka ay caado ka noqotay markii uu dhammaado muddo xileedka Baarlamaanka in laka diro baarlamaanka taas oo uu sheegay in aysan sax aheyn isla markaana ay muhiim tahay in ay shaqada sii wadaan inta laga helayo baarlamaan bedela.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xukuumadda ay ku shaqeyso awoodda ay siiyeen baarlamaanka loogana baahanyahay in ay la xisaabtamaan u yeeraan kulana xisaabtamaan halka ay wax u wadaan.

Geesta kale waxa uu sheegay saldhigga dowlanimada Soomaliya in ay tahay baarlamaanka dalkuna uu yahay baarlamaani isaga oo ugu baaqay in aysan yeelin kala taga sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii waxa uu cadeeyay in xukuumaddu ay fulinayso go’aan kasta oo baarlamaanka kasoo baxa sidaas awgeedna ayuu tilmaamay in looga baahanyahay in ay sii wadaan meelmarinta shuruucda dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media