Mahad Cabdalla Cawad oo ku guulaystay mid ka mid ah Kuraasta Golaha Shaacbka

Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay Hop104, oo saaka doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowladad Goboleedka Galmudug.

Cawad ayaa helay 84 cod,oo ka mid ah 101 da Ergo ee codaysay, waxaana uu kusoo baxay doorashada, oo wali loo madalsan yahay in la guda galo doorashada kursiga labaad.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shalay shaaciyay in manta la qabanayo doorashada,kuwaasi oo hardhac u ah doorashooyinka Golaha shacabka ee Xildhibaada Galmudug kasoo galaya Baarlamaanka Soomaaliya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor