Magacyada dadka ku dhintay diyaaradii ku dhacday Bardaale oo la shaaciyay

Lix qof oo saarnayd diyaard sidday xamuul ayaa ku dhintay kadib markii diyaaradaasi ay ku dhacday meel u dhow Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay.

Dad ku sugan Bardaale ayaa waxaa ay soo sheegayaan in dhicitaanka diyaaradan uu yimid, kadib markii Maanta ay dhowr jeer isku darday inay ka degato Garoonka Bardaale, hayeeshee ay lugaha u bixi waayeen.

Dhinaca kale wararka qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaaradda oo ay leedahay African Express Airways ay dad shacab ah ka qaaday Magaalada Baydhabo, isla markaana lagu dhuftay qoriga nooca Soomaalida u taqaano RPG.

Hoos ka Akhriso Magacyada dadka ku dhintay diyaarada soo dhacday.

1: Captan Xasan Muuse Bulxa.
2: Captan Mabruuk
3: Captan Cumar
4: Eng u dhashay dalka Kenya
5: Cali madax gaduud oo ahaa Masuulkii Xamuulka loo waday
6: Saciid Cabdulaahi Maxamed Wakiilkii Shirkadda.

Muuqaal Satelite-ka uu duubay ayaa muujinaayo in Diyaarada 5 KM u jirtay Runwayga Airportka, sidoo kalena muuqaalka uu muujinaayo diyaarada in wax lagu dhuftay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media