Magaalo ay ka jirto xaalad adeg oo laga bilaabay Olole buufin ah

Wasaarada Caafimaadka Puntland gaar ahaan waaxda ka hortaga iyo xakamaynta Duumada ayaa Magaalada Qardho ka bilowday howlgal caafimaad oo magalada lagu buufinayo mudo 10 maalmood ah.

Sababta loo buufinayo Magaalada Qardho ayaa waxaa ay tahay si looga hortago in cudurada faafa ay ka dilaacaan biyaha badan ee Magalada dhex fadhiya iyo kuwa Guryaha galay.

Sidoo kale ololaha buufinta ee socda ayaa waxaa barbar socda qaybta 10-kun oo marakaneeco daawaysan ah, kuwaasi oo loogu tala galay dadka ku barakacay daadkii ku rogmaday iyo kuwa uu saamaynta ku yeeshay.

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa doonaya inay xakameeyaan Cuduro ka dhasha daadkii khasaaraha badan gaystay iyo biyaha weli Magalada dhex fadhiya oo khatar caafimad leh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media