Magaalada Mekelle ee Itoobiya oo hawada laga duqeeyey

Shaqaalaha gargaarka iyo diblomaasiyiin, ayaa sheegay in weerar lagu ekeeyey xarunta gobolka Tigreega, ee magaalada Mekelle.

Warbaahin ay maamusho jabhadda xoreynta dadweynaha ee Tigray, kuwaasoo dagaal ku jira dowladda federaalka ee Itoobiya, ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah lagu dilay, tobaneeyo kalana lagu dhaawacay laba weerar oo halkaasi lagu qaadey.

Midowga Yurub iyo Mareykanka,ayaa ku booriyey dhinacyadda kulugta leh dagaalka iney ilaaliyaan xabad joojinta jirta, si loogga fogaado in gobolka ay ka dhacdo masiibo bani’aadannimo oo qaro weyn.

Tani waa markii uggu horeysay ee colaadda kow iyo tobanka bilood socota, oo duqeyn xagga cirka ah laga soo sheego magaalada Mekelle.

Dowladda ayaa beenisay iney wax weerar ah qaadey. Ka maqnaanshaha warbaahinta ee gobolka Tigray, ayaa ka dhigeysa wax addag in la xaqiijiyo jiritaanka warka soo baxey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor