Madaxweynihii hore ee Nigeria oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho + ujeedkiisa

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta oo Axad ah waxaa kusoo wajahan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo shalay lagu waday inuu yimaado Muqdisho.

Olusegun Obasanjo iyo wafdiga la socda ayaa markii ay soo gaaran Caasimadda Muqdisho waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Midowga Afrika ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo u magacaabay Ergayga Geeska Afrika ee Xasilinta iyo Nabadeynta, waxaana lagu waday inuu shalay yimaado Muqdisho, hayeeshee waxaa uu baaqday, sida SONNA shaacisay.

Shaqada Ergayga ayaa ah inuu kala shaqeeyo dhinacyada jilayaasha siyaasadda ee dalalka Afrikada Bari oo ay ka mid yihiin Soomaaliya oo xilligan wajahaysa xaalado kala guur ah, wallow ay dowladda Soomaaliya ka dhaceen Doorashada Aqalka Sare, halka  Ethiopia ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya Tigreeyga iyo Ciidamada Ethiopia.

Mr. Olesugun Obasanjo ayaa ahaa Madaxweynihii 8 jeer oo isku xigxigta si dimuqraadiyad leh loo doortay ee Nigeria ka hor inta uusan xilka ku wareejin Cumar Yaradua.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor