Madaxweynihii hore ee Tanzania oo maanta  la aasayo

Madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufuli ayaa maanta lagu aasi doonaa magaalada uu ka soo jeedo ee Chato, oo ku taalla waqooyi-galbeed dalkaas.

Waxaa tan iyo Isniintii caasimadda Dodoma ka socotay tacsida madaxweynaha.

Madaxweynaha oo markii uu geeriyooday 61 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun wadnaha ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor