Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa galabta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare iyo xubno kale, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Ujeedkooda ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmaya Magaalada Garoowe, kaasi oo markii horreeyay ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta gaaray Garoowe, waxaana halkaas sidoo kale ku sugan Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano badan oo la socda.

Sidoo kale Saacadaha soo socda ayaa waxaa Garoowe la filayaa inay gaaraan wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Ammaanka guud ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa waddooyinka qaarkood lagu daadiyay Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo sugaya amniga, maadaaama halkaas uu ka furmayo Shirweyne Caalami ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media