Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo geeriyooday

Alle ha u naxariistee waxaa maqribnimadii Caawa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay dalka Kenya, isagoo Caawa u geeriyooday xanuunkii haayay.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa tacsi u diray qoyskiisa iyo Ehelada Marxuum Cali Mahdi

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor