Madaxweynihii hore ee  Galmudug oo ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ay ka dhacdo 15-ka bishaan May oo ku beegsan maalinta Axada ee todobaadka soo socota.

Magaalada ayaa waxaa 72 saac ee u dambeysay ka socday olole doorasho aad u adeg, isla markaana waxaa dhacay kulamo siyaasadeed oo wadeen Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dowladda, iyadoona weli socdaan Shirar u badan isbaheysi siyaasadeed.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ahna Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u tanaasulay Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kadib kulamo ay yeesheen, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Qoorqoor.

Dhinaca kale Musharax  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ).

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada Madaxweynaha dalka oo dhaceysa 15-ka May, wuxuuna Sheekh Shariif uu Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyay  doorkiisa in Soomaaliya maanta ka qabsoonto doorashada Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha oo loo madlan yahay.

Ilo-wareedyo kalsoonaan karo ayaa Idaacadda Dalsan u xaqiijiyay in suura-gal tahay in saacado gudahood la isu guuro oo la arko dhinacyo isbaheysi dhexmaraya gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha oo olole doorashada xoog leh wada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor