Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo War kasoo saaray Guushii Cabdi Xaashi

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii uu kusoo baxay Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad ee Aqalka Sare ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashada ee mar labaad loogu doortay inuu noqdo Senatar Aqalka Sare.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdi Xaashi u rajeeyay in uu ilaahay ku guuleeyo howsha culus ee loo xilsaaray, maadama uu kamid noqday Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Ergada doorashada Somaliland ayaa Cabdi Xaashi Cabdullaahi mar kale u doortay inuu kamid noqdo Senatorada Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana lagu doortay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey.

Cabdi Xaashi ayaa helay Codad gacan taag ah oo gaaraya 44 Cod, 2 Ergo ayaa ka aamusay, wuxuuna sidaasi ku noqday Senatorkii ugu horreeyay ee Gobolada Waqooyi ee la doortay, isagoo uu la tartamayey Musharax Siciid Cumar Xuseen oo tanaasulay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor