Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay geerida Sheekh Khaliif Bin Zayid

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya hadana ah Musharaxiin Madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo Qoraalo kooban soo saaray ayaa Dowladda  iyo shacabka Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo Maanta la shaaciyay inuu geeriyooday.

“Sheekh Khaliifa waxa uu ahaa hoggaamiye wanaagsan oo garab istaag joogto ah u muujiya dadka Soomaaliyeed. Ilaahay ha u naxariisto, hoygiisana haka yeelo Jannada” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud ah oo ah Musharax Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa isna Qoraal uu soo saaray ku yiri “Sh Khalifa bin Saa’id Aalnahyaan Wuxuu ahaa Hoggaamiye ku weyn Carabta, dalalka Islaamka iyo dunida oo dhan Allaah kitaabkiisa midigta haka siiyo”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor