Madaxweyneyaashii hore ee Puntland oo Maanta gaaray Garoowe iyo Ujeedkooda

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo sabti ah waxaa gaaray Madaxweyneyaashii hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Garoonka diyaaradaha Garoowe ee Jeneraal Maxamed Abshir ayaa waxaa Madaxdii hore ee Puntland iyo wafdi la socday kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa Garoowe u tegay sidii xal buuxa looga gaari lahaa xiisada ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimihii Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Madaxdii hore ee Puntland ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxweynaha Maamulkaas Saciid Deni, Isimada, Waxgaradka iyo Culimada, iyagoona kala hadli doona xalinta xiisada taagan ee sababta dagaaladii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa maalmo kahor ku baaqay in la joojiyo dagaaladii dhexmaray Ciidanka Puntland iyo kuwa PSF oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, sidoo kalena ay ku barakaceen boqolaal qoys.