Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo ka hadlay Doorashadii ka dhacday Garoowe

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii Xildhibaanada Aqalka Sare ee Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Qoraal uu soo saaray Xasan Sheekh ayaa waxa uu ugu hambalyeeyay Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Puntland, kuwaasi oo la doortay, isagoo Alle uga baryay inuu la garab galo mas’uuliyadda loo idmaday.

Xasan Sheekh ayaa Mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabkooda, ku boggadiyay hirgelinta doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhacday Magaalada Garoowe.

Dhinaca kale Sheekh Shariif ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada cusub ee Puntland ku matelaya Golaha Aqalka Sare, isla markaana waxaa uu Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni iyo Golaha Wakiilada Maamulkaas ku boggaadiyay doorashadii la qabtay.

“Waxaan Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Golaha Wakiilada iyo Shacabka Puntland ku bogaadinayaa doorashada iyo dhamaystirka xubnaha Puntland, waxaan Alle uga rajeynayaa inuu la garab galo xilka culus ee loo igmaday” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ka dhacday Garoowe, isla markaana waxaa lagu doortay 11-ka Xildhibaan ee Puntland ku matelaya Golaha Aqalka Sare, waxaana Maamulka Puntland uu noqday maamulkii saddexaad ee qabta Doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor