Madaxweyneyaasha M/Goboleedyada oo Shir gaar ah Goor dhow u furmay

Magaalada Muqdisho gaar ahaan hotel ku dhex yaalla Xerada Xalane ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa goor dhow uu Shir gaar ah uga furmay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda Cakiran ee siyaasadda dalka, marxaladihii ugu dambeeyay iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya aan weli heshiis laga gaarin.

Sidoo kale Shirka Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga arrinsanayaan furitaanka Ajendaha Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada, kaasi oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Shirka haatan ka socda Xerada Xalene ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Galmudug Axmed Qoorqoor.

Madaxda maamulada ayaa saacadihii lasoo dhaafay Caasimadda dalka ku yeeshay kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ahaa Shirka u furmay, iyagoonka siweyn uga hadlaya khilaafka ka taagan doorashada.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa diiday ka qeyb galka Shir dhexmaray Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dowladda taageersan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor