Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray geeridii Taliye Farxaan Qaroole

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyhii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu dilay qarax ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaas qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee, uu go’aankaas lahaa, kuna shaqeeyey, maantana u shahiiday.

” Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.” Ayuu yiri Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud iyo askartii kaleba ee la shahiidday waxa uu Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarax miino ah oo Maanta lagu dilay Taliyhii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Qaroole iyo Askar la socotay, waxaana  uu qaraxu ku qabsaday deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor