Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii 8-aad ee dibadda ah u baxayo iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay booqasho rasmi ah uu ku tagaan Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumad ka helay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museven, iyagoona wada-hadallo ka yeelan doona Arrimo dhowr ah, sida uu qorshahu yahay.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, amniga Soomaaliya oo ay joogaan kumanaan ciidan oo ka socda Uganada iyo qodobo kale oo muhiim, sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmaya Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu maalinta Isniinta ee todobaadkaan ugu baxayo socdaalkiisa Magaalada Kampala, waxaana safarkaas uu noqonayaa midkii 8-aad ee safar dibadda ah ugu baxayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey safaro kala duwan oo dibadda ah ugu baxay tan iyo markii dib loo doortay, isagoona ku tegay dalalka kala ah Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar, lana kulmay Madaxda dalalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor