Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan Turkiga iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga, iyagoo ka dhoofaya Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada, waxaana saacadaha soo socda ee Maanta ay ka ambabixi doonaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka ayaa dalka Turkiga kulan kula yeelanaya Madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan dalalka Soomaaliya iyo Turkiga oo leh xiriir aad u weyn, kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Ankara ee Turkiga ayaa waxaa uu ka qeyb geli doonaa Dood is-weydaarsi oo uu soo qaban-qaabiyey Mac-hadka SETA Foundation oo looga hadlayo xiriirka labada dal.

Waa socdaalkii labaad oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku aadayo dalka dibadiisa, tan iyo markii 15-kii May 2022 loo doortay xilka Madaxweynaha, wuxuuna safarkiisii ugu horreeyay ugu dhoofay dalka Imaaraadka Carabta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor