Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Cadale ka dhagax dhigay Garoonka Diyaaradeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale oo si casri ah loo dhisi doono.

Garoonkaan diyaaradeed oo dhowaan dhismihiisu uu bilaaban doono ayaa wax badan kusoo kordhin doona harumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada deegaannada  Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa iyo bulshada Gobolka ay farxad u tahay dhagax dhiga Garoonka diyaaradeed ee la doonayo in laga dhiso degmada Cadale.

Wuxuu sheegay Guudlaawe in deegaanada Maamulka ay ka socdaan mashaariic kale oo horumar ah, isagoona intaas kusii daray in howlo ka socda Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ay iyaguna marayaan meel gaba-gabo ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor