Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goor dhow u ambabaxay Turkiga iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Ankara ee Turkiga ayaa waxaa uu ka qeyb geli doonaa Dood is-weydaarsi oo uu soo qaban-qaabiyey Mac-hadka SETA Foundation oo looga hadlayo xiriirka labada dal.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

Waa socdaalkii labaad oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku aada dalka dibadiisa, tan iyo markii 15-kii May 2022 loo doortay xilka Madaxweynaha, wuxuuna safarkiisii ugu horreeyay ugu dhoofay dalka Imaaraadka Carabta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor