Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo Arbaco ah kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sh. Aadan Madoobe.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha ayaa waxaa looga wada hadlay ka wadatashi ku saabsan xiligaan kala guurka ah, maadaama laba maalin kahor la doortay Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in kulanka inta uu socday looga arrinsaday sidii loo dardar-gelin lahaa qabsoomida Munaasabadda xil-wareejinta Madaxweynaha cusub, iyadoo shalay Farmaajo uu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Munaasabadda.

Waa kulankii labaad ee ay yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Madoobe tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh.

Madaxweynaha la doortay ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka wada kulamo salaan iyo duco ah, waxaana uu la kulamayaa Madaxda maamul Goboleedyada iyo Safiirada ku sugan Caasimadda Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor