Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo ka wada hadlay Munaasabadda xil-wareejinta

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Todobaadka soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah xilka Madaxweynaha Qaranka ugala wareego Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmo kahor looga guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Maxamed Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada unaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha, waxaana kulanka Maanta ay yeesheen Xasan Sheekh iyo Farmaajo uu yahay midkii labaad tan iyo markii ay dhacday doorashadii Madaxweynaha.

Kulankii Maanta dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Madaxtooyadda iyo xubno kale oo la socday Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor