Madaxweyne Waare oo Shirka Kismaayo ka sheegay Farriin ku socota dowladda Soomaaliya

Madaxdii ka qeyb gashay Shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa intooda badan waxaa ay goobta shirka ku soo bandhigeyn tabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka iyo waxa ay uga baahan yihiin inay ka caawiso.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka mid ah dadka Shirka ku soo bandhigay in Maamulkiisu ka walaacsan yahay dhinaca amniga sigaar ah Wadada xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

” Dowladda ama hubka ay heeysato ha ina siiso si aan ula dagaalano Al-Shabaab ama iyada Shabaab haka saarto jidka u dhaxeeya Jowhar iyo Muqdisho,Dadka Reer Hirshabeele ayaa igula xisaabtama inaan dalka xoreeyno anaguna waxaan xaq ugu leenahay inaan cabashadeena u gudbino Dowlada Dhaxe.”

Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay weeraro jidgal ah oo ay fuliyeen dagaalamyaal ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor