Madaxweyne Waare oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiiru dowle Amar Jebiyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa shaqada looga jooiyay Xildhibaan Saadaq Mukhtaar oo ahaa Wasiiru dowlihii Dastuurka Hirshabeelle, waxaana lagu eedeeyay inuu jebiyay amar kasoo baxay Madaxweyne Waare.

Xildhibaan Saadaq Mukhtaar ayaa la sheegay inuu shalay Magaalada Jowhar uga qeyb galay Munaasabad ka dhacday Jowhar, xili Madaxweynaha Hirshabeelle uu mamnuucay in dadka isugu yimaadan Munaasabad, sababo la xiriira faafida Cudurka Coronavirus.

Hoos ka Akhriso Wareegtada shaqo joojinta ee uu soo saaray Waare.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media