Madaxweyne Waare oo ka hadlay Coronavirus fariina u diray Dowladda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay xaaladda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay gudaha Magaalada Muqdisho.

Isaga oo wareysi siiyay Madaxweyne Waare laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu yahay mid halis ah oo aan daawo laheyn loona baahan yahay in si wadajir ah faafidiisa looga hortego.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Waare in isaga uu Caafimaad qabo, hayeeshee uu is karantiilay, kadib markii uu isaga shakiyay inuu kamid ahaa dadkii la kulmay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Cadaalada Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin  oo kamid noday dadka Cudurka Coronavirus ugu dhintay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hirshabeelle ay u baahan tahay in qalab Caafimaad la geeyo Xarumaha ay u diyaariyeen in dadka lagu karantiilo ee ku yaalla Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, wuxuuna  tilmaamay in Kiis Cusub aan weli laga helin Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Mucaaradka, Qabaa’ilada, in ay u istaagaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa Dhibaatada Cudurka Coronavirus, loogana samatbixin lahaa dadka Soomaaliyeed meelna la iska dhigo khilaafaadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media