Madaxweyne Trump oo xaqiijiyay inuu dhintay Hogaamiyihii Daacish Al-Baqdaadi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu dhintay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish ka dib hawl gal ka dhacay dalka Suuriya.

Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baqdaadi ku cararay god dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula cararay.

Trump waxaa uu sidoo kale sheegay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa, waxaana uu hadda sheegay in dunidu ay tahay mid amni ah maadaama buu yiri la khaarijiyay “ninkii ugu cadowsanaa dunida”.

Warbaahinta Mareykanka ayaa mar sii horreysay sheegtay in milatariga Mareykanka uu weerar ku qaaday Abuu Bakar Al-Baqdaadi.

Waxaa la sheegayaa in hawlgalka ay sameeyeen ciidamo gaar ka dib markii ay heleen xog muhiim oo tallaabo lagu qaadi karo, waxaa sidaasi soo weriyay warbaahinta Newsweek iyadoo soo xiganayso ilo wareedyo la xiriira hawlgalka.

Hoggaamiyaha Daacish ayaa marar hore la sheegay in la dilay balse warkaasi sax ma ahayn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media