Madaxweyne Saciid Deni oo farriin u diray Ciidanka Booliska Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo sabti ah kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Xafiiska CID-da, xafiisyada shaqo ee Fara-baarista, Kuwa Isgaarsiinta iyo dhismaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, Waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Amniga, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarin ee yaalla. Wuxuu Madaxweynuhu faray in la dardargeliyo adeega amni, isla markaana laga hortego falalka amni darro.

“Puntland waxay ahmiyad gaar ah siisay Amniga iyo Ciidamada, Isbedelka iyo tayeynta Ciidanka Booliiska Puntland waa mid ka muuqda xarunta Taliska  Ciidanka Booliska, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidanka Booliska Puntland meel walbo oo ay joogaan” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor