Madaxweyne Saciid Deni oo fariin u diray dhammaan Hay’addaha Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiyay Shirka dib-u-habeynta iyo kor u qaadista dakhliga maamulka Puntland.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Guddiga dib-u-habeynta dakhliga hoose ee Dowlaada ay kusoo bandhigeen warbixin ay kasoo ururiyeen Wasaaradaha iyo Hay’addaha dowladda taasi oo lagu soo bandhigay dakhli hoosaadyada ay qaadaan.

“Dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga Dowladda waxay sahlaysa hirgelinta Khasnada mideysan, horumarinta maamul wanaaga, in aan dakhligu uusan meel dhexe kulumin iyo in shacabka culayska laga illaaliyo” ayaa lagu yi Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga dib-u-habeynta dakhliga, wuxuuna la wadaagay golaha in qorshahan qeyb ka yahay tayeynta iyo horumarinta guud ahaan hufnaanta maaliyadda. Isagoo faray dhammaan Hay’addaha dowladda in wadajir looga shaqeeyo kor-u-qaadista dakhliga iyo hirgelinta Khasnada mideysan.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Xisaabiyaha guud, Garyaqaanka guud, Hanti-dhowrka guud, Bangiga Dowladda, Guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah degmooyinka, lataliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media